Sidee Ayaa Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland Saake Uga Qeyb Qaadanayaan Cod Bixinta Doorashada Madaxweynaha (Sawiro)

Dadka kasoo jeeda deegaanada jamhuuriyadda Somaliland ayaa u dareeray goobaha codbixinta si ay u doortaan Madaxweynihii 5aad tan iyo markii uu ay ku dhawaaqay inuu ka go’ay Somalia inteeda kale.

Shacabka oo safaf dhaadheer ku jira ayaa maanta lagu arkayaa wadooyinka waa weyn ee Gobolada Somaliland, iyaga oo ku codeynaya Sanaadiiq la dhigay magaalooyinka iyo degmooyinka ay joogaan.

Codbixinta ayaa bilaabantay saakay abaare 6-dii subaxnimo, iyadoo la arkayey illaa xalay saq dhexe dad kusoo qulqulayey goobaha codbixinta si aanay safafka ugu dheeraan. doorashudana waa qof iyo cod.

Doorashadan waxaa ku tartamaya musharraxiinta kala ah Muuse Biix oo ka socda xisbiga Kulmiye, C/raxmaan Cirro oo ka socda xisbiga Wadani iyo Faysal Cali Waraabe oo isna ka socda xisbiga UCID.

Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Saciid Cali Muuse ayaa sheegay codbixiyeyaasha maanta codeynaya in aysan soo xiran karin astaan muujineysa xisbiga ay taageersan yihiin.

Si looga hortago in doorashada lagu shubto ayaa waxaa markii ugu horreysay goobaha codbixinta lagu isticmaalayaa qalab aqoonsanaya indhaha codbixiyayaasha.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE