Tirinta Codadkii La Dhiibtey Ee Doorashada Somaliland Oo Socota Iyo Mushraxiin Tartameysa Oo Darteen Isku Mid Ah Muujiyey (Video)

Guddiga doorashada ee jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay inay soo xirmeen goobaha cidbixinta haatanna ay socoto tirinta ay bilaabatey tirinta Codadka la dhiibtey.

Guddigu doorashada ma sheegin xilliga ugu dambeeya ee ay tirintu dhammaan doonto, waxaa la filayaa inay maalmo qaadato inta looga dhowaaqayo natiijada doorashada.

Kormeerayaasha caalamiga ah ayaa sheegay doorashadu u dhacday si nabad ah, In ka badan 1600 goobood ayaa laga codeeyey, waxaana la filayaa in dadka usoo baxay inay codkooda dhiibtaan ay badnaayeen.

Seddax musharax ee tartanka uu dhaxeeyo ayaa kala ah Muuse Biixi ayaa waxa uu matalayaa Xisbiga iminka talada haya ee Kulmiye, Cabdiraxmaan Cirro ayaa ka socdo xisbiga Waddani, halka Faysal Cali Waraabe uu ka tirsan yahay xisbiga UCID.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE