Xildhibaanada Koonfur galbeed Ee Mooshinka Ka Wada Shariif Xasan Oo Ay Soo Wajahdey Laba Daran Mid Dooro Iyo Mooshinkii Socdey Oo Laga Yaabo In Laga Laabto

Xildhibaanmada Koonfur galbeed ee Mooshinka ka wada Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa markaan waxay wajahayaan xaalad cusub oo aan saamaxeynin ay sii wadaan dagaalka ay kula jiraan hogaamiyahooda.

Mudanayaasaha Baarlamaanka ayaa muddo bilooyin ah aanan helin Mushaharka ay ku lahaayeen Maamulka, weaxaana lagu wadey in la siiyo bilowga bishan aynu ku guda jirno ee Novembar, waxanaa soo baxaya shuruudo adag oo lagu xirey bixinta Mushaharka.

Shariif Xasan ayaa bixinta mushaharka ku xirey in Xildhibaanada ay ka laabtaan Mooshinka la keenay, waxaana lasoo hor dhigay warqad ay ka cadeenayaan in ay ka laabteen Mooshinka xil ka qaadista Shariif Xasan.

Xildhibaan Faysal Sheekh Cawad oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ee Mooshinka wada ayaa idaacadaha  u  sheegay in shaqsi ahaan isaga lacagtaasi loo soo direy, kadibna lagu qaaday gaari loona sheegay inuu ka laabto mooshinka, balse markii uu arrintaasi laga celiyey lacagta.

Mudanyaasha baarlamaanka ayaa ugu baaqey dowladda fedaraalka ee Soomaaliya in ay dib u fiiriyaan lacagaha la siiyo Maamulka Koonfur galbeed oo aan wax mushahar ah aan siinin Xildhibaanada Baarlamaanka bilooyinkii lasoo dhaafey.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE