Ciidamada Difaaca Puntland Oo Weerar Ku Ah Saldhigyada Daacish Ku Lee Dahay Buuraleyda Gobolka Bari

Ciidamada amaanka ee Maamul Goboleedka Puntland ayaa u dhaqaaqeyn Saldhigyada Maleeshiyada Daacish ay ku leeyihiin deegaanada Fog ee Gobalka Bari ee Puntland.

Saraakiisha amaanka ee Puntland ayaa sheegay in ay wadaan qorshe Daacish looga saarayo Puntland oo la sheegay in sanadihii dambe ku sii xoogaysaneysay.

Goob joogayaal ayaa ku sugan gobalka Bari ayaa ku soo waramaya in ay arkayn Ciidamo aad u qabalabeysan oo u gudbay dhinaca Buuraha Gal gala ee Gobalka Bari waxaana wararka ay intaas ku darayaan in ay u soo gudbi doonaan Saldhigyada Daacish ee Gobalka Bari.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE