Doorashada Somaliland Oo Seddax arrimood Kaga Duwan Doorashooyinkii Hore

Doorashadan madaxweynaha jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ee shalay dhacday waxay kaga duwantahay dhawr arimood.

Somaliland waxay doorashooyiin qabaneysay tan iyo 2002-dii. Guddiga doorashada ayaa sheegay in lix gobol ay codeyn ka dhacday.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa u soo joogay doorashooyinkii horay uga dhacay Somaliland.

Sidoo kale wuxuu ka soo warrami jiray ololayaashii doorashada ee madaxtinimo iyo baarlamaan, tan iyo sanadkii 2002-dii.

Qalab casri ah

Doorashadan 13-ka Nofembar ee 2017 waa middii ugu horaysay oo codbixiyayaasha ay heleen kaarar ay ku codeeyaan oo hab casri ah u shaqeynaya.

Sidoo kale qalab teknolojiyad ah ayaa loo adeegsaday dooorashada kaas oo sawir ka qaadaya isha qofka codeynaya, si aan kaarka loo been abuurin.

Guddiga doorashada ee Somaliland ayaa sheegay in qalabkaas casriga ah ay uga hortagayaan wax isdabamarin iyo in qof uu ku codeeyo kaar uusan lahayn.

Waxaa kaloo doorashadani tahay tii ugu horeysay ee ay ku tartamayaan saddex murashax oo cusub oo uusan ka mid ahayn madaxweynaha hadda xilka haya.

Siilaanyo oo la filayay in uu xilka wareejiyo 2015-kii, waxaa laba sano ugu daray baarlamaanka ka dib abaar daba dheeraatay oo ku dhufatay deegaanada Somaliland iyo xal loo raadinayay farsamada doorashada.

Madaxweyne Siilaanyo oo ku taqasusay dhaqaalaha ayaa go’aansaday in uu xilka banneeyo ka dib markii hal xilli uu hayay.

Musharrixiinta tartamaya waxay kala yihiin Muse Biixi oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Kulmiye, Cabdiraxmaan Cirro oo hoggaaminaya xisbiga Waddani iyo Faysal Cali Waraabe oo matalaya xisbiga UCID.

Gudiga doorashooyinka Jamhuuriyada iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay tirada guud ee codbixiyaasha.

Qiyaastii 704,000 oo codbixiye ayaa u diiwaan gashan guddiga, codbixintii shalayna waxaa ka qeyb galay tiradii ugu badnayd.

Goobaha codeynta ee doorashadii shalay ayaa gaaraya 1,642, taas oo aad ugu badan kuwii doorashooyiinkii hore.

Tiradii ugu badnayd ee codbixiyayaal

Tirada codbixiyaasha rasmiga ee Gobollada jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland waxay kala yihiin:

  • Maroodijeex: 249,229
  • Togdheer: 147,440
  • Awdal: 102,571
  • Sanaag: 80,334
  • Sool: 63,698
  • Saaxil: 60,817

Dood toos loo baahiyay

Markii ugu horeysay, musharrixiinta ayaa ka qeybgalay doodo toos loo baahiyay ooay kala qabteen koox dhallinyaro ah, iyo BBC Somali, waxaana si toos ah looga daawanayay HCTV iyo SBC TV.

Sidoo kale barta bulshada ee BBC Somali Facebook iyo barnaamijka Dunida iyo Maanta ayaa si toos ah looga daawaday dooda oo socotay hal saac.

Dad badan ayayna soo jiidatay doodad BBC Somali, kuwaas oo baraha bulshada uga doodayay waxa ay ka hadleen musharrixiinta.

Mid ka mid ah arrimaha sida wayn ay uga doodeen musharrixiinta waa heshiiskii lala saxiixday Imaaraatka Carabta ee “saldhigga military ay uga dhisaneyso Berbera”.

BBC SOMALI

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE