Faafaahinno Kala Duwan Oo Laga Helaayo Qarax Gaari Oo Lagu Weerarey Ciidamada AMISOM Oo Ka Dhacey Duleedka Magaalada Muqdisho (Sawiro)

Duleedka magaalada Muqdisho waxa ka dhacey qarax Gaari loo adeegsadey oo lagu weerarey Kolonyo ka tirsan Ciidamada Midowga Afroka oo mareysey deeghaanka Weydow.

Gaari Nooca Soomaalida u taqaano Nooha oo laga soobuuxiyey waxyaalaha qarxa ayaa qaraxdey markii Ciidamada ay maraayeen Lawaajada Weydow, waxaana warar kala duwan ay kasoo baxaayaan sida qaraxa uu u dhacey.

Dad goob joogayala ah ayaa sheegaya in gaariga qaraxa sidey oo xawli ku socda ay rasaas ku fureen Ciidamada AMIOSom, waxaana markii dambe qarxey Gaariga oo aan soo gaarin kolnyada.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada amaanka oo goobta gaarey ayaa ku waramaya in wax khasaare aanu ka dhalinin qaraxa, marka laga reebo naftii haligihii gaariaga kaxeenayey oo geeriyoodey.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE