Ibraahin Cali Xaaji Iyo Cabdalle Xuseen Cali Oo Cabsi Darteed U Diidey Inay Dhibaan Hub Iyo Gaadiid Loogu Tala Galkay In Cadowga Looga Xoreeyo Gobolka Shabeelada Hoose (Warbixin)

Hub iyo Gaadiid loogu talagalay in lagu xoreeyo laguna ilaaliyo Gobolka Shabeelada hoose ayaa koox Sharwadayaal Ah oo ku sugan magaalada Muqdisho u isticmaaleen si ka duwan sida loogu tala galay.

Maamulka Goboleedka Koonfur galbeed ayaa markii ay xoogeysteen dagaalada Shacabka Gobolka Shabeelada hoose iyo Maleeshiyada Shabaab ee bartamihii sandkii hore, waxuu bixiyey hub iyo Gaadiid si ay uga qeyb qaataan dagaalada xoreynta ee Gobolka.

Seddax Cabdi Bile iyo Seddax Qori ee kuwa lidka diyaaradaha ah (Dhashiike) ayaa ka mid ahaa agabka loogu talagalay Gobolka Shabeelada hoose, waxaana agabkaas ay u gacan galeen Ibraahin Cali Xaaji oo iyo Cabdalla Xuseen Cali oo markaas ku magacaawnaa Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga.

Iyadoo arintan laga war helay muddo haatan laga joogo dhowr bilood ayaa waxa inkirey dad u adeega Xisbiga Sharta ee Ibraahin Cali Xaaji uu hogaamiyo, waxaana ay ka been sheegeen qaabka hubka iyo gaadiidka loosoo dhiibey, iyadoo meelaha lagu kulmo ka sheegi jirey in ay jiraan Gaadiid iyo qoryo ay iibsadeen kuwa sharta ah.

Hase ahaatee iyadoo laga dagaalamaayo in awood buuxda ay helaan Shacabka Shabeelada hoose oo muddo shan sano ka badan ku jira colaad wajiyo badan leh ay keentey in shakhsiyaad ay Muqdisho ku dhex haaystaan Gaadiidka iyo qoryaha.

Xildhibaan Cabdalle Xuseen Cali oo ah Shakhsi inta badan lagu hor gooyo Danaha aan u cuntamin Ibraahin Cali Xaaji ayaa hadal qariib noqdey ka sheegey goob looga hadlaayey sidii agabkaas Ciidan loo gaarsiin lahaa deegaanada loogu talagalay.

“Anaga waxa na qabsanaayo Habar gidir oo ku leh dagaalada Shabeelada hoose, Ma Dhiibi Karno Hubkan, Hala Ogaado Waa Dhibkeena, Anagaa Haaysaneena” ayaa ka mid ah Hadalada Cabdalle Xuseen Cali.

Hadalka Xildhibaan Cabdalle muxuu ka dhiganyahay

Cabdalle Xuseen Cali ayaa seddax Sano ahaa Wasiir Ku xigeenka Gaashaandhiga Xukuumadihii dalka ka jirey, waxaana xilligaas lagu xusuustaa siduu isaga dhiga tirey dagaalo barakicin ah oo Maleeshiyaad ka tirsanaa Wasaaradda uu ku xigeenka ka ahaa ay ka wadeen Gobolka Shabeelada hoose.

Dad badan ayaa isweydiiyey in ay ka aheyd Xildhibaan Cabdalle Cabsi ama wax kale laakiin markii la miisaamey shakhsiyad ahaan Mas’uulkan ayaa waxa soo baxdey jawaab ku filan.

Mas’uuliyadda iyo u adeegidda shacabkaaga ayaa u bahaan aqoon, karti iyo danqasho, has ahaatee Xildhibaan Cabdalle intaasba laguma haayo, oo Labiska iyo isku bedelka dharkiisa ayaa uga roonadey halkii uu wax ka dhihi dhibaatadii lagu haayey Beesha uu korsigeeda ku fadhiyo.

Ibraahin Cali Xaaji oo isagana ahaa shakhsi daba rogey dhaqanka, sameysteyna Xisbi Sharawadaayl ahaa ayaa ka mid ahaa dhiigya cabyo quudaneysey Maatida barakaca iyo dhibka lagu haayey.

Reer Shabeelada hoose oo is xoreyey waxay ka dhigantahay in Ibraahin iyo Xisbigiisa Sharta ah uu soo gabagaboobey ka Ganacsiga dhiiga Shacabka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE