Lixdan Sannadood Ka Dib Xulka Talyaaniga Oo Ka Haray Koobka Adduunka Ka Dib Markii Ay U Taag Heli Waayeen Sweden Oo Iska Xaadirineysa Russia Xagaaga

Qaranka Italy ayaa markii labaad abid waxa ay ka hareen koobka aduunka ka dib markii ay barbardhac bilaa goolal ah la galeen dhigooda Sweden kulankii lugta labaad ee kala baxa iyadoo Sweden ay wadar ahaan labada lug ku soo baxday natiijo 1-0 ah.

Kulankaan oo ahaa cagta labaad ee kulamada Play Off-ka ee loogu soo baxayay Koobka aAdduunka ee xagaaga 2018ka Russia ka dhacaya ayay Sewden waxa ay ka faa`ideysteen guushii garoonkooda ee todobaadkii hore xilligaas oo ay ku soo badiyeen hal gool oo nadiif ah.

Qeybta koowaad ee ciyaarta ayaa ku bilaabatay farsamo habeysan oo labada dhinac ah inkastoo ka dib biloowgii uu qaranka Talyaaniga la wareegay maamulka kubadda balse si sax ah ugama aysan faa`ideysan maamulkii kubadda

Qeybtii labaad , Italy ayaa guud ahaan cadaadineysay Sweden kuwaasi oo dhankooda ku tiirsanaa kubadaha rogaal celiska ah balse waxaa laga xertay daafac adag oo keenay in ay ciyaarta ku dhamaato barbardhac bilaa goolal ah sidaasna qaranka Sweden uu ku soo baxo .

Markii ugu dambeeysay ee Italy ka haraan koobka aduunka waxay aheyd sanadkii 1958-dii halka Sweden markaan u tahay markii 11-aad ee ay u soo baxayaan koobkaan qiimaha badan.

Sidaas oo ay tahay Sweden ka qeybgalka Koobka Adduunka waxaa ugu dambeysay sanadkii 2006dii.

Dhowr ciyaartoy oo Talyaani ah ayaa ooyay dhamaadkii ciyaarta iyadoo guuldaradaan ay muujineyso dhamaadkii waayahooda ciyaaraha caalamiga ee ciyaartoy badan, iyadoo ciyaartoy badan oo xulka Talyaaniga ku jira aysan u badneyn inay dheeli doonaan Koob Adduun kale.

Goolhaye Gianluigi Buffon oo saftay kulankiisii 175aad ee qaranka Talyaaniga ayaa ciyaaraha ka fariisanaya dhamaadka xilli ciyaareedkan, halka Daniele De Rossi, Giorgio Chiellini iyo Andrea Barzagli ay geli doonaan dhamaadka da’da 30meeyo marka la gaaro Koobka Adduunka ee 2022.

Tababaraha xulka qaranka Talyaaniga Ventura ayaa sidoo kale wajahaya dagaal uu ku ceshto shaqadiisa ka dib markii ay Italy mar kale ku hungowday inay shabaqa ka soo taabato Sweden, inkastoo ay soo bandhigeen weerar ka heer sareeya lugtii hore.

by Abdiweli Adan Jamac

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE