Maleeshiyada Alshababa Oo Soo Bandhigey Magaca Iyo Beesha Uu Kasoo jeedo Naftii Haligihii Isku Qarxiyey Xerada Ciidamada Jubbaland Ee Deegaanka Buul-gaduud (Sawiro)

Warbaahinta ku hadasha afka maleeshiyada Kooxda Alshabaab ayaa soo bandhighey magaca iyo beesha uu kasoo jeedo Naftii halligihii isku qarxiyey Xero Ciidan oo Maamulka Jubbaland uu ku lahaa deegaanka Buul gaduud ee Gobolka Jubada hoose.

Naftii haligan oo ka xeenayey Gaari nooca raaxada ah ayaa albaabaka hore ee xerada isku qarxiyey, waxaana ka dib xigey weerar toos ah oo ay soo qaadeen maleeshiyaad ku diyaarsanaa meel aan xerada ka fogeyn.

Ninkan oo u muuqda da’aada 28 jir –ilaa 30 jir ayaa waxa magaciisa lagu sheegay Cabdicasiis Cabdulaahi oo kasoo jeeda Beelaha Mirifle gaar ahaan Eelaay, isagoo baraha bulshada lagu baahiyey Sawiradiisa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE