Maxaad Ka Taqaanaa Taariikh Nololeedka Wasiirad Binti Ibraahim Cali Iyo Shaqooyinkii Kala Duwanaa Ee Ay Soo Qabatey (Sawiro)

Wasiirad Binti Ibraahim Cali waxay ku dhalatay Magaalada Marka Sanadku markuu ahaa 1965 1-da July waxay wax barashada aas aasiga ka biloowday isla Magaalada Marka iyadoo dugsiga hoose dhexe iyo sare kuqaadatay magaalada gudaheeda dugsiga sare ee sayid Maxamed Cabdulle Xassan oo hada loo yaqaano Dugsiga Sare ee Beeraha.

Kadib dugsiga sare waxay horaantii 1980 kii kubiirtay national service ama shaqa qaranka Xarunta Xalane tababarkii lixda bilood ee National Service ka ahayd.

xilligaasi kadib waxay ku biirtay Macadkii Xisaabaadka ee SIDAM la oran jiray mudo kadib waxay ku biirtay Jaamacada Gaheer kuliyada Maamulka iyo Maareenta waxay dowladii kacaanka inteey jirtay kasoo shaqeeysay Shirkadii Soomaali airline Iyo Hayad Germany ah oo la oran jirey GTZ.

Wasiirada Binti ayaa Sidoo kale kasoo shaqeysey intii ay jirtey dowladdii kacaanka Bangiga dhexe ee dalka iyo Wasaarada Qorshaynta qaranka, Burburkii dalka ee 1991 kadib waxay Marwo Binti kaalin muuqata ka qaadatay hayadaha Civil Societiga, iyadoo Unisom xafiiska muqdisho arinaha humanities ka kala soo shaqeesay

Waxay ahayd aas aasayaashii dalada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ee Somali Civil Society Congress loo Yaqiin, kadib waxay kamid ahayd difaaca iyo u Doodayaasha Xuquuqda Haweenka iyo Caruurta waxay qayb firfircoon ka qaadatey dib u yigleelidii Ururka Haweenka Qaranka Soomaliyeed oo ay ka noqotay gGudoomiye ku xigeenka Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed sanadii 2012-kii.

Marwo Bintii waxay xubun ka aheyd Gudigii Dastuurka KMG ahaa, waxaana ay qayb ka dhistay Dowlada Federaalka ee Madaxweynaha uu ka noqdey Xasan Sheekh Maxamuud sanadkii  2012-kii,

Waxay gundhig u ahayd aas aaskii dhismaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Sadexda Gobol waxay ka noqotay Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Maamul Koonfur Galbeed.

Sanadkii 2016-kii waxay ka mid noqotay Goloha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Sanadkan sii dhamaanaya ee 2017 waxay Marwo Binti Waxay ka mid noqotey Wasiiro loo xushey inay kusoo laabtaan isku shaadheyntii Wasiirada, waxaana shaqadeeda iyo howlkarnimadeeda loogu magacaabay Wasaarad ka mid ah kuwa ugu shaqada badan oo ah Wasaarada Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka Koonfur Galbeed Soomaliya.

Ugu dambeyntii Marwo Binti Ibraahim Cali ayaa ka mid ah Wasaarada ama shaqsiyaadka u dooda dadka tabarta daran, waxaana ay isku howshey sidii ay u garab qaban laheyd bulshada aan waxba haaysan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE