Qaar Ka Mid Ah Dhaawacyadii Loo Qaadey Dalka Turkiga Oo Dib Loogu Soo Celinaayo Magaalada Muqdisho (Sawiro)

Xaflad saguutin ah oo loo sameeyey toban qof oo kasoo caafimaaday dhaawacyadii kasoo gaaray Qaraxii 14-kiibishii hore ka dhacey magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka caafimaadka dalka Turkiga Dr. Ahmet demircan iyo madaxda safaaradda Soomaaliya
ee Turkiga.

Wasiirka Caafimaadka ee dalka Turkiga ayaa Waraaqo Caafimaad guddoon siiyey dhaawacyadaas, waxaana loo sheegay inay kasoo kabteen dhaawacyadii soo gaaray, waxaana arrintaas si weyn uga qeyb qaadatay  Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga, weliba waxaa waajibkiisa si weyn uga soo baxay Cabdulqaadir Maxamed Xuseen (Barqadle) oo ah Xoghayaha labaad ee Safaaradda Soomaaliya Turkiga oo loo xilsaartay ka war qabka xaaladda dhaawacyada dalkaas la geeyey.

Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ayaa waqti badan gelisay xaaladsa Bukaanada iyada gacan wanaagsan ka heleesay dhalinayarada wax ka barata dalkan iyo jaaliyadda Soomaaliyeed oo muujiyay door wanaagsan oo soomaalinimo.

Magacyada Dhaawacyada soo fiicnaaday ee saacadaha soo socdo Muqdisho soo gaaryo

  1. Ismaaciil Ibraahim Maxamed
    2. Maxamed Askir Cawaale
    3. Cabdisalaan Cismaan Saalax
    4. Mahad Cabdi Sheekh
    5. Maxamed Cali Wehliye
    6. Cabdulqaadir Maxamed Cabdulalahi Ok (Wariyihii Idaacadda VOA)
    7. Istar Cali Maxamed
    8. Mursal Sheekh Axmed
    9. Cali Maxamuud Maxamed
    10. Faadumo Xaaji Cali

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE