Ra’iisalwasaare Xasan Cali Khayre Oo Ka Qeyb Galay Munaasada Haweenka Soomaaliyeed Ku Taageerayeen Ciidamada Xoogga (Sawiro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qeyb galay munaasabad ay Haweenka Soomaaliyeed ku taageerayeen ciidamadda qaranka oo soo qaban-qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada Ciyaaraha, isla markaana ay ku muujinayeen doorkoodu ku aadan xoreynta dalka.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa kula dardaarmay haweenka Soomaaliyeed inay hormuud u noqdaan dagaalka dalka looga xoreynta kooxda al-Shabaab, wuxuna xusay in haweenku ay yihiin bad-baadiyaha qaranka kaalin muuqatana ka soo qaateen halgankii xorriyadda iyo xiliyadii adkaa ee dalku soo maray.

Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay in Xukuumadda ka go’an tahay dumarku iney door fir-fircoon ku yeeshaan siyaasadda iyo go’aamada lagu hagayo dalka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE