Shariif Xasan Iyo Ra’iisalwasaare Xasan Cali Khayre Oo Beri Ku Wajahan Magaalda Baraawe Iyo Wafdi Horu Dhac Ah Oo Maanta Gaarey

Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa maalinnimada Berri waxa lagu wadaa in ay gaaraan Ra’iisalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Madaxweynaha Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Mas’uuliyiintan ayaa waxa la sheegayaa in ujeedkoodu yahay sidii ay u dhagax dhigi lahaayeen Garoon diyaaradeed oo ay yeelato magaalada Baraawe.

Maamulka Gobolka Shabeelada hoose oo horu dhac u ah Wafdiga Xasan Cali Khayre iyo Shariif Xasan ayaa maanta gelinkii hore Baraawe gaarey.

Shariif Xasan ayaa marar badan dhagax dhigay goob lagu sheegey in ay tahay Garoonka diyaaradaha ee Degmada hase ahaatee caqabado isbiirsadey ayaa hor istaagey in Garoonkaas dhisme lagu bilaabo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE