Warbxin Naxdin Leh Sidee Ayuu Ahaa Jawiga Isgoyska Soobe Hal Bil Ka Hor 14-kii October, Gaari Noocee Ayuu Loo Adeegsadey Weerarka, Maantase Maxaa Isbedelay (Video)

Maanta oo kale Bil ka hor 14 October waxay aheyd maalin Madoow oo soo martay Shacabka Soomaaliyeed, waa maalintii ay Al-Shabaab dileen in ku dhow 400 oo Soomaali ah una badnaa Ganacsato, Ardayday iyo dad Saarnaa Gawaari ku xayirnaa Isgoyska Soobe halka 250 kale ay dhaawacmeen oo qaarkood ay dhaawacyada u geeriyoodeen.

Haddaba waxaa la helay Muuqaal muujinayo Isgoyska Soobe sida uu ahaa daqiiqado yar ka hor inta uusan qaraxa dhicin, Waxaana ka dhex muuqda Gawaari badan oo ku sugnaa Isgoyska Soobe, waxaana Muuqaalka laga dhex arkayaa gaariga is qarxiyey oo xoog kusoo gelaya bartamaha Isgoyska Soobe oo Xilligaas aheyd meel aad u mashquulsan.

Muuqaalkan ayaa waxaa laga helay Kaamirada Qarsoon ee ku xirneyd Isgoyska Soobe, taasoo systemkeeda uu yaalo Xarunta Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed, waxaana suurtagashay inay duubto daqiiqado ka hor inta uusan qaraxa dhicin.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE