Ciidamada Milateriga Dalka Zimbabwi Oo La Wareegey Xarumaha Dowladda Iyo Afgembe Laga Cabdi Qabo (Sawiro)

Ciidamada Militariga ee dalka Zimbabwe ayaa xalay saqdii dhexe iyo arooryadii Saaka oo Arbaca ah la wareegay Telefishinka dowlada ZPC iyo qaar kamid ah Xarumaha dowlada.

Askarta ku hubeysan gaadiidka dagaalka iyo dabaabaayaa lagu arkayaa wadooyinka caasimada Harare.

Afhayeen u hadlay Militariga oo kasoo muuqday Telefishinka ayaa sheegay in hawlgalka socda uusan ahayn afgembi balse ay wadaan hawlgal ay kusoo qab qabanayaan burcad ku hareeraysan Madaxweynaha iyo Madaxtooyada, ayuu yiri Gen.Moyo.

Gen.Moyo ayaa dhinaca kale sheegay in Madaxweynaha iyo Qoyskiisa ay nabad qabaan isla markaana xaalada ay caadi kusoo noqon doonto marka ay soo afjaraan hawlgalka socda.

Hawlgalkan ayaa kusoo beegmay todobaad kadib markii Madaxweyne Robert Mugabe uu xilka ka qaaday Madaxweyne kuxigeenkiisii Emmerson Mnangagwa oo la filayey inuu noqon doono ninka xilka kala wareegi doona.

Madaxweyne kuxigeenka xilka laga qaaday Asbuucii hore Mr. Emmerson Mnangagwa ayaa taageero badan ku leh Militariga dalkaasi.

Xil ka qaadista Emmerson Mnangagwa ayaa la sheegay inay ka danbeyso haweenayda Grace Mugabe oo ah Xaaska Madaxweyne Mugabe oo iyadu dooneysa inay xilka la wareegto, balse militariga ayaa si weyn uga soo horjeeda in haweenaydaasi ay xilka qabato.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE