Ciidamadii Milatariga Ee Mogdisho Ka Baxay Xagee Ku Danbeeyeen?Maxaase Kala Haysta Farmaajo Iyo Habarti Dile W/Q Yuusuf Omar

Sida taariikhda aduunyadu qorayso oo laga dhaxlay dhacdooyinka soomaray,waxaad arkaysaa gobonimada iyo gunimada farqiga u dhexeeya aadamaha taasoo lagu sii ogaado markay dhacdo colaado,abaaro iyo xaalado adag oo aadamuhu markaa marayo.Kolkay halkaa taagan tahay waa lakala baxayaa nin walibana waxa uu tagayaa sinjiga iyo suuraduu yahay.dadka dagan mogdisho iyo nawaa xigeeda iyo kuwa ku weheliya ee ka soo baqoolay gobolada dhexe markaan bar bar dhigno beesha dagta somaliland iyo puntland,waxaan orankaraa kuligood waa dad soomaaliyeed,laakiin kala korsan marka la eego dhanka diinta,kartida,caqliga,damiirka,soomaalinimada,jacaylka dalka iyo dawladnimada.

Maxaan u hayaa daliil arinkan dhabta ah? waxaan ka eegay taariikhda dhacday dalkeena.markii dawladii dhexe burburtay,markiiba somaliland waxay garteen in aan la noolaan karin dawlad la aan!! maanshaa allaah waxay kala bad baadiyeen dadkoodii nabad bay ku soo dabaaleen maantana sanduuq baa codku marayaa iyo xisbiyo sida caalamka ka jirta dawladaha hore umaray ee tagay,soomaaliland waxay kasaraysaa xaga maamulka iyo maaraynta dawladnimo boqol dawladood oo kamid ah caalamka. Somaliland waxay iska diiday in qabiil wax lagu maamulo xisbiyo ayay u gudubtay.Somaliland waxay dalkeeda u diiday in diin loogu soo gabado oo argagax iyo fowdo laga dhigo cidii waxaa lagu arko kurka ayay ka gooyeen.maxaayeelay reer galbeedka iyo wadamo carbeed ayaa ka danbeeya kuwa dadka qarxinaya oo dabar gooynaya soomaalida.somaaliland waa ogtahay.

Bulshadu unuga ugu yar ee ay ka kooban tahay waa qoys oo ah aabe iyo hooyo iyo caruur hadii ay arkaan qof sharwade ah ama ka shakiyaan xataa haduu la dhashay iyaga markiiba waxay u sheegaan laamaha amaanka,hadii qofkaasi isku furto oo lacag laaluush ah siiyo haday malyan doolar tahay iyagoo baahan kama aqbalayaan,markii lamaha amaanku qabtanaa way ogaanayaan waxa uu yahay qofkaasi oo baarayaan hadii ay ku cadaato in uu dadka qarxin la doonaayay markaa korkaa laga jarayaa.wataa raganimada iyo nolosha saxda ahi. hadaba damiirkaa sare aqli baa keenay iyo iimaan waxayna garanayaan in nolol aysan jirayn iyo diin iyo dal hadii sidaa laysaga qaban waayo cadawga diinta dadka iyo dalka.

Puntladn oo ah hoygii ilbaxnimada soomaaliyeed iyo safka hore ee dhalintii xoriyada soomaaliyeed ayaa iyana burburkii ka dib dhisay maamul kala bad baadiya dadka dhexdiisa kana difaaca cadaw dibada uga yimaad oo u diidada nolasha iyo nabada.cadawgaas oo kaga imanaya dalka gudihiisa iyadoo dawlado shisheeye adeeg sanayaan dad soomaaliyeed oo xataa dadkaaga ah kula dagaanka ah kula dhashay.waa lagu liibaanay dhismihii puntland shacab iyo maamulba waxaa laga siman yahay in cadawga aan sina loo aqbalin lala wada dagaalamo.Tusaale cadawgu markii uu sheikh gacamay ku dilay garoowe isagoo badkii alle ku cibaaday sanaya,maha macnuhu in hay adihii amaanku qabteen waxaa markiiba ukala tartamay qabashada cadawga shacabkii waliba cadawgu wuu hubays naa dadka qabanayana ma hubaysnayn,waxay naf tooda u hurayeen oo ugu bareereen dhimashada in cadawgaasi baxsan ee la qabto aakhirka.

Dadbadan ayaa ku dhaawacmay xabadii cadawgu la dhacay markay qabanayeen,laakiin waa qabteen kadib ayaa lamihii amnigu yimaadeen oo lagu wareejiyay wadaa dadnimadu wataa damiirku wakaa iimaanka iyo islaamnimada dhabta ahi,naguma dhax noolaankaro boosna kuma laha puntland nin dadkayaga xasuuqaya.balkafakra cadawnimadu intay gaar siisan tahay culimadayadii uugu waa waynayd ee diinta nabaraysay ayay naga dilayaan.Punland shacab iyo maamul ma aqbalayso shaydaan shisheeye uraran oo gumaadaya.Laakiin puntland ma gaarin wali xisbiyo iyo inay si doortaan oo qofka wadaniga ahi dhiibto codkiisa.waxaa ka jira xukun kaligii talis ah oo aan is badal lahayn nasiib xumo laga soobilaabo 1998-2017.puntland waxaa madax wayne ka ah mudadaas hal jifo waa maxamuud saleebaan mana aha dad maamul xun xaqna waa u leeyihin in ay noqdaan madax wayne waa dadkoodii iyo dalkoodii laakiin suaashaa ah qaaligee kuu xukumay adiga uun kursigaan madaxwayne? puntland nabad iyo nolol ayaa ka jirta iyo xukun kaligii talis ah.

Mogdisho-hobyo marka laga reebo hiiraan dadkaa isugu tagay mogdisho ilaa burburkii dawladii markuu dhacay mayeelan wax maamul ah nasiib daro.waxay hooy u noqdeen in uu dhexdago cadaw shisheeye ah,waa ilaa hada la gumaadaa dadkooda.malaha wax maamul ah oo amaan sugi kara waloow hada la dhisay galmudug hadana maha wax shaqeeya dhab ahaan.waxaad arkay saa magaalada MOGDISHO in shacabka ku nooli khatar ku jiraan naftooda oo maqaayadaha iyo suuqyada lagu qarxiyo iyagoo aan waxba galabsan.maxaakeenay? waxaa keenaya dadka wax qarxinayaa waa wiilashoodii uun,iyagaa ku haysta oo ku qarinaya guryaha iyagoo og in ay usocdaan inay shacab qarxiyaan!! inay laamaha amaanka u sheegaan iska dhaafe wayba qarinayaan kal kawarama dadkaas? damiirkii aaway? diintii aaway? dadnimadii aaway? aqligii aaway?

Waxaad arkaysaa iyagoo lasiinayo xoogaa lacag ah kadibna ogolaanaya in laqarxiyo oo la halaago dadkooda,waxa uu ku doorsaday shilimaan yar.waxay aamin san yihiin maxaa iga galay? waxay ka soo hor jeedaan dawladnimo oo dhan waa dawlad diid.qabiil kaliya kama aha waayo xasan sheekh iyaguu ahaa mana taageerin.Hada ciidamadii dawlada soomaaliyeed direen ee FARMAAJO diray oo labada shabeele intooda badan ka saaray cadawgii soomaaliyeed,wax caano iyo biyo iyo daawo daba wada oo shacabkii la difaacayay ah ma jiro.sidii shacabku ula garabtaagnaa ciidamadii puntland daawo cunto iyo biyo.iska dhaaf ee lama ogaba dagaalka iyo halka uu marayo.waxaa kasii daran cadawgii oo markay arkeen ciidamada xooga soomaaliyeed ileen iskama celin karaan ee inta qorigii tuureen oo dharkii badasheen soo galaya MOGDISHO oo shacabkii la difaacayay soo dhawaynayo oo qarinayaan!! kuligood mogdisho ayay soo galeen oo lagu qarinayaa.hadaba mashacabkaas ayaa laga sugayaa inay kaalmeeyaan milatarigooda?

FARMAAJO waa nin daacad ah waxa uu u haystaa in ayjirto shacab dawlad raba,dal raba,diin leh inay mogdisho joogaan marka laga reebo in aad u yar.deegaanadan waxaa halkaa dhigay dadku mawada ee daysnee niman HIRAAB layiraahdo oo dawlad diid ah badan koodu marka laga reebo in aad u yar.dadka dibada ka yimaada ama qof xoogaa helay oo dhistay hotel ama ganaacsi shidan waxay saarayaan fly 13 waxaana loola jeedaa fly 13 in qofkaa la dilo hoteelkaasna la qarxiyo isagoo loo quuri waayay nolasha uu haysto ciduu doono ha ahaado.kumanaan dhalin yaro ah ayaa mogdisho xirtay weer ama tabeebe gaduudan iyagoo iska dhigaya in ay ka xun yihiin qarixii dhacay laakiin diyaar uma aha in aysoo sheegaan kuwa guryahooda jooga iska dhaaf kuwo kale ee!! diyaar uma aha in wiilka mogdisho uu hooyadii difaaco.wuxuu raali ku yahay in markay hooyadii aado suuqa la qorxiyo waadna u jeedaanba in ay muuqato.HABARTI DILE IYO FARMAAJO MAXAA KALA HAYSTA!!?

Dadka soomaali xasuuqayaa makala jecla ee ragna waa iska dhacshay ragna lacag bay ka doorbideen iyo fulayno dhalan ah.waxaan xasuustay gabaygii ISMAACIIL MIRE oo ahaa abaan duulihii DARAAWIISHTA.

Guuguulayahaw  haddaad,  gugii  u ooyayso,
Haddaad moodday keligaa inuu gubayo jiilaalku,

Giddigood addoomaha waxaa gaaray nabar weyne

Abaar gaag ma reebaa dhacdiyo, gaatamoo kale e

Gartaa maaha keligaa inaad, gaar u cabataaye.

MOGDISHO maha inay cabaado dhibka ragu waa soo wadamaray ee iska dhacsha cadawga maraguduudan dadnimo maha ee waa damiir xumo.Dawlad diid iyo shabaab weeye dadka mogdisho waana ka muuqataa oo cadahay sidaas ayay u lee anayaan una sii lee an doonaan marwalba wax rajo ahna malaha ilaa ay diinta qaataan si dhab ah ilaa ay dalka aaminaan si dhab ah ilaa ay dadkooda jeclaadaan si dhab ah.

GUNAANADKII IYO GABA GABADII

Shacab isagii is dilayaa lama caawin karo.waxaan mudnaanta koobaad siinayaa xaga caqliga soomaaliland wana ka horeeyaan soomaali oo dhan.waxaan ku xijinayaa waa Puntland waxaana looga adkaaday qabiil bay ka gudbi waayeen malaha xisbiyo iyo cod xor ah oo dimiquraadi ah sida soomaaliland,waa xukun kaligii talis ah oo aduun yadu ka hormartay in badan oo kamid ahi.markaa puntland waa darajada la baad xaqa caqliga.

MOGDISHU wali weeye waa EBER.xataa ma fahan sana farqiga u dhaxeeya nolol iyo nolol la aan? dhibkuna waa caqliga tana allaah ayaa bixiya.dadka soomaaliyeed ma jecla waxa jira in la sheego oo ah in lakala horeeyo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE