Dagaal Culus Oo Ka Qarxey Inta U Dhaxeysa Muuri Iyo Nambar 50 Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Wararka na soo gaaraya ayaa ku waramaya in dagaal culus haatan ka socdo deegaan u dhaxeeya Muuri iyo Degmada Nambar 50 ee Gobolka Shabeelada hoose.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii weerar gaadma ah ay soo qaadeen Maleeshiyaad la tuhunsanyahay in ay ka tirsanyihiin Alshabaab, waxaana weerarkan uu ka yimid dhinaca bari ee deegaanka.

Ciidamada amaanka ee maamulka Nmabar 50 oo aad hubeysan ayaa dagaalka kula jira Maleeshiyaadka Alshabaab ee weerarka soo qaadey, iyadii la maqlaayo rasaas culus oo ay isku ridaayaan labada dhinac.

Barqanimadii maanta ayaa waax jirey Maleeshiyaad rasaas ku furey dad shacab ah ku dhaqnaa deegaanka Fida muuse, waxaana rasaastaas ku dhaawacmey hal wiil oo dhalin yara ah oo deegaanka ku sugnaa.

Wixii warar ah ee kusoo kordha halkan ayaan kusoo gudbin doonnaa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE