Dhageyso Golaha Wasiirada Soomaaliya Oo Tagaeerey Doorasho Aanay Cidi Taageerin Oo Qof Iyo Codkiisa Ah Oo Ka Dhacey Somaliland

Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya oo shalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa taageero weyn u muujiyey doorashada ka dhacdey Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirada ayaa sheegey in wax lagu daydo ay tahay in doorasho hal qof iyo hal cod ah ay ka dhacdo deegaanada Somaliland, waxaana ay bogaadiyeen sida kalsoonida leh ee ay u dhacdey doorashada.

Sidoo kale Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay doorasho aanay maal gelin cid kale in ay ka dhacdo Somaliland, iyadoo tani ay muujineyuso sida isku filnaashaha ah ee ay gaareen Shacabka Waqooyiga.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE