Dowladda Fedaraalka Ee Soomaaliya Oo Baahisey Magacyada Iyo Sawirada Dadkii Ka Dambeeyey Qaraxii 14-kii October Iyo Xog Kale Oo Ku Saabsan Madaxii Qaraxyada Ee Muqdisho

Dawladda Soomaaliya oo mudooyinkii ugu dambeeyay Baadhitaan iyo Hubin ku waday Shaqsiyaadka oo Qabtay Qaraxii Soobe ayaa soo bandhigtay  dadkii Fuliyey iyo Kuwii qaybta ka ahaa Weerarkaasi uu dhiiga badan ku daatay.

Qaraxii  Zoobe ayaa ahaa midkii ugu dhimasada Badnaa ee ka dhacay Soomaaliya, waxaana ku Nafwaayey dad lagu qiyaasay 400-Qof , iyadoo in badan oo kalana ay ku dhaawacmeen.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng. C.raxmaan Cumar Yariisow ayaa  shaacisay  magacyada iyo Sawirada Shaqsiyaadka loo qabtay falkii Qaraxa 14-ka October  waxayna kala yihiin.

HOOS KA AKHRISO/DAAWO.

1. Mukhtar Mohamud Hassan (Gardhuub) –

2. Abdiweli Ahmed Dirie (Abdiqani) oo ahaa madaxa qaraxyada Gobolka Benaadir, marka uu Gardhuub amarka ka yimaado

3. Hassan Aden Isaq, oo ahaa darawalkii gaariga Noha-da, ahaana isku xirihii weerarka 14ka Oct, inta uusan wareejin Noha baa la qabtay.

4. Ali Yusuf Wa’eys (Duale) oo ahaa shaqsigii loo diyaariyey inuu Noohada isku qarxiyo.

5. Abdullahi Abdi Warsame

Gaariga TM ka drawalka waday oo isku qarxiyey waa Maadey (Cismaan Xaaji).

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE