Faafaahinno Dheeraad Ah Oo Laga Helaayo Duqeymo Xalay Ka Dhacey Saldhig Ku Dhow Yaaq-Bira Weyne Oo Lagu Dilay Lex Maleeshiyo iyo …….

Wararka aan ka heleyno deegaano ka tirsan Shabeelada hoose  ayaa ku waramaya in duqeymo diyaaradeed ay ka dhaceen deegaan ku dhow Tuulada Yaaq Bira weyne.

Halka la duqeeyey ayaa la sheegayaa in lagu magacaabo Iidow Jaad halkaas oo saldhig ay ku lahaayeen maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Alshabaab.

Duqeynta ayaa sida wararku sheegayaan bartilmaameedkedu ahaa horjooge ka tirsan Alshabaab oo ku dhuumalaeysanayey Iidow Jaad.

Horjoogaha la dilay ayaa waxa la socedey ilaa lex Maleeshiyo, iyadoo lasoo sheegayo in ay jiraan khasaare kale oo ka dhashey goobta duqeynta lala eegtey.

Diyaaradaha laga leeyahay dalka Mareekanka ayaa duqeymo iyo weeraro joogta ah ku haaysa saldhigyo iyo xarumo ay degenyihiin maleeshiyaadka Kooxda Shabaab oo ku yaala Koonfurta Soomaaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE