Mid Ka Mid Ah Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya Oo Xilka Iska Casishey

Mid ka mid ah Wasiirada xukuumadda Soomalaiya ayaa goor dhow waxay k udhawaaqdey in ay iska casishey xilkii ay ka haaysey Xukuumadda Fedaraalka ee Soomaaliya.

Wasiiradda Gargaarka iyo Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya Drs Maryan Khaasim ayaa shaacisey in ay ku war gelisey Wasaaradda inay ka tagtey shaqada, mana faafaahin sababta ay isku casishey.

Warar soo baxaya oo ay baahiyeen warbaahinta qaar ayaa ku waramaya in Drs Maryan Khaasim khilaaf xagga shaqada ah uu kala dhaxeeyey Ra’iisalwasaare Xasan Cali Khayre.

Wasaaradda Gargaarkia iyo Musiibooyinka oo ku cusub Wasaaradaha Soomaaliya ayaa waxa la magacaabay bishii Maarso ee sanadkan, waxaana lagu tiriyaa Wasaaradaha ugu shaqada badan xukuumadda dalka.

Waa Wasaaraddii labaad uu muddo bil gudahjeeda uu iska casilo mas’uulkii haayey, waxaana tani laga yaabaa in ay keento isku shaadheyn deg deg ah oo lagu sameeyo Golaha Wasiirada.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE