Ra’iisalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Oo Ka Degay Magaalada Baraawe Ee Gobolka Shabeelada Hoose (Sawiro)

Wafdi uu hogaaminaayo Ra’iisalwasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa goor dhow gaarey magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelada hoose.

Safarka Ra’iisalwasaare Khayre ayaa waxa ku heliya Xildhibaano ka kala tirsan labada aqal ee baarlamaanka fedaraalka iyo Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, waxaana magaalada kusoo dhaweeyey Maamulka Gobolka Shabeelada hoose oo halkaas horey usii joogey.

Madaxweynaha Koonfur galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa saacado ka hor gaarey Baraawe, waxaana xigey wafdiga Ra’iisalwasaaraha xukuumadda, iyadoo halkaas maanta shirar iyo kulamo ay ka dhici doonaan.

Waxaa jirara warara sheegaya in maanta magaalada Baraawe oo ku magacaaban Xarunta Maamulka Koonfur galbeed laga dhagax dhigi doono Garoon diyaaradeed oo caalami ah oo ay magaalada yeelato.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE