Ra’iisalwasaare Xasan Cali Khayre Oo Ka Halday Xiriirka Kala Dhaxeeya Madaxweynaha Sideedii Bilood Ee Ay Wada Shaqeenayeen

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka hadlay xiriirka wada-shaqeyneed ee isaga iyo madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ka dhexeeya ayaa sheegay inaysan jirin wax khliaafaadyo ah oo soo dhex-galay isaga iyo madaxweynaha tan iyo markii xafiiska loo magacaabay oo laga joogo haatan muddo gaareysa siddeed bilood.

Mudane Khayre ayaa hadalkan ka sheegay Munaasabad ka dhacday xalay Muqdisho oo ay ka Qayb-galeen boqolaal dhallinyaro ah, isla mar ahaantaana loogu baroor-diiqayay dadkii ku naf-waayay Qaraxii Isgoyska Zoobe ka dhacay 14-kii Oktoobar.

Ra’iisalwasaare Khayre oo sii hadlayay ayaa tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay horay u arki jireen in madaxda ugu sarreysa dalka ay arrimo siyaasadeed oo aan mug badan lahayn isku qaban jireen, balse aanay taasi hadda jirin.

Marka dib loo fiiriyo taraiikhda Mas’uuliyiinta soo marey dalka waxay ahaayeen kuwoo khilaafaad joogta ah soo kala dhex-galo, waxaana taasi ay keentey Ra’iisalwasaarayaal badan ay soo maraan intii ka dambeysey burburka.

Dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud iyo tii ku meel gaarka aheyd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa dalka waxaa soo marey lex xukuumadood oo talada isaga dambeeyey.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE