Sawiro Dheeraad Ah Oo Laga Helay Wafdiga Gaarey Magaalada Baraawe Iyo Danjiyaraasha Qaramada Midoobe Iyo Midowga Afrkiga Oo Qeyb Ka Ah (Sawiro)

Ra’iisalweasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa duhurnimadii maanta ka degay Magaalada Baraawe oo ku magacaaban Magaalada Madaxda Maamul Goboleedka Koonfyr galbeed Soomaaliya.

Safarka Madaxweynaha oo warar kala duwan ay kasoo baxayaan ayaa la sheegayaa in laba ujeedo ay uu halkaasi u gaarey, iyadoo safarka uu sidoo kale qeyb uu ka yihiin Madaxweynaha Koonfur galbeed iyo Danjirayaasha qaar ka mid ah Ururada Caalamka ka jira ee daneeya arimaha Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in halkaas maanta loo gaarey sidii loo dhagax dhigi Garoon Diyaarad oo caalami ah oo laga hir geliyo Baraawe si magaaladaas ay noqoto goob uu ku shaqeeyo Maamulka Baydhabo sida kumeel gaarka ah u degen.

Sidoo kale waxa jira warar tilmaamaya in Wafdiagan halkaas ay u gaareen sidii loo qorsheen lahaa dagaal ka dhan ah maleeshiyada Kooxda Alshabaab oo ku sugan hareeraha degmada.

Magaalada Baraawe waxa kaloo suggan danjirayaasha Midowga Afrika ee Arimaha Soomaaliya Fransisco Madera iyo Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobe ninka lagau magacaabo Micheal Keating.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE