Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaal Culus Oo Ka Dhacey Deegaanka Fida Muuse Ee Gobolka Shabeelada Hoose Iyo Meydad Looga Cararey Laamiga

Duhurnimadii maanta deegaanka Fida-muuse oo u dhaxeeya Nambar 50 iyo deegaanka Muuri waxa ka dhacay dagaal culus oo ay soo qaadeen maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Alshabaab.

Sida dad goob joogayala ah ay noo sheegeen Maleeshiyaad hubeysan ayaa dagaal kusoo qaadeen goob ay ku sugnayaeen dad Shacab ah, iyadoo markii rasaastaas la mqqlay ka dib ay ku baxeen Ciidamada amaanka ee maamulka Nambar 50.

Markaasi ka dib ayaa waxa xigey dagaal culus oo Ciidamada amaanka ay la galeen maleeshiyaad kale oo xoojinaayey kuwa rasaaseeyey dadka Shacabka, waxaana labada dhinac dhex marey dagaal culus.

Dagaalka ayaa markii dambe ku fidey toolo ku taala dhinaca bari oo lagu magacaabo Garas sheemo, oo ku dhow deegaanka Muuri una jirta qiyaastii shan km dhinaca Bari ee deexda.

Laamiga Deegaanka Fida muuse ee dagaalka xoogiisa uu ka dhacay ayaa waxa looga tagey laba Meyd oo ka mid ahaa kuwii dhinaca Bari ee deegaanka weerarka kasoo qaadey, waxaana qoryaha kasii qaadey kuwii ay la socdeen ee ku jabey weerarka.

Waxaan soo gudbin doonaa Sawiro iyo Wareysi ku saabsan sida wax ay u dhaceen xaaladda deegaanka

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE