Wasaaradda Gargaarka Iyo Maareynta Musiibooyinka Ee Maamulka Koonfur galbeed Oo Deeq Gaarsiisey Xarunta Daryeel Homless Center Ee Magaalada Baydhaba (Sawiro)

Waiiradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Maamulka Koonfur galbeed Marwo Binti Ibraahim Cali  ayaa deeq iskugu jirta raashin iyo agab hooy gaarsiisay Xarunta Agoomaha ee Daryeel Homless Center, Waxaana deeqda ay ka timid Save The Child dren Mashruuca Child protection Drought intervention.

Wasiirad Binti ayaa si qiiro leh uga hadashay saameeynta Abaartii 2016-kii guud ahaan dalka gaar ahaan Gobolada Koonfur Galbeed iyadoo si gaara uga hadashay Caruurta Agoomaha.

Marwo Binti waxay si gaar ah baaq ugu jeedisay hay,adaha gargaarka ee ka hoowl gala koonfur galbeed oo ay kuu eedeeysay in Mashruucyadooda wax qabad ee Barnaamishka qaramada midoobay xafiiska somaaliya unson iyo world bank eu intaba ineey ku koobeen Baydhabo iyo Dagmooyin katirsan Gobolada Bay iyo Bakool

Hey’adaha ayaa ka gaabiyey inay wax u qabtaan Shacabka masaakiinta ah ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo abaar, macluul iyo colaado aan dhamaad lahayn isugu darsan tay.

Wasiiradda Waxay amar ku siisey in hey’adaha ay si deg deg ah uga soo jawaab celiyaan sababta Shabeelaha Hoose ay haba yaraatee wax hoowlo gargaar ah uga fulin ilaa 2008-dii.

Wasiirada ayaa sidoo kale ku baaqday in Wasaaradaha ku shaqada leh Arimaha Caafimaadka, Waxbarashada in ay kaalintooda ka qaataan daryeelka caruurta iyo sida dhanica caafimaadka, dhinaca wax barasho, iyadoo kaalinta Wasaarada gargaarkana ay qaadan doonaan ka wasaarad ahaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE