Calankeenu Waa Calanka Aduunyada Uugu Quruxbadan Waana Cir Dad Cadaw Ah Ayaa Ka Dhigay Buluug Wadanigu Hayska Jiro W/Q Yuusuf Omar

Waxaa dhibka dawlad la aanta ka mid ah in wax kalaba daayoo calankeenii midabkiisii laga badalay.Waxaad arkaysaa safaaradaha soomaaliya ku leedahay caalamka in yar mooyee in calankeenii midabkiisii labadalay laakiin xidigtii cadayd uun ay wali tahay sideedii.waxaad arkaysaa hay adaha dawlada,baarlamaanka labada aqal iyo madaxda dalka uugu saraysa hada oo calankii labadalay wata ee aan wadan keenii aynu lahayn ee Cirka ahaa midabkiisu.Markaa waxaa layiri “Geela duqdiisii durdurisay aarankiisa maxaad u malayn!? Madaxdu calanka qaranka ha saxdo.Waa ogahay oo kii 4 sanadood halkaan soomaali ku lugooyay in uusan arintaan waxba ka qaban maadaama uu fikirkiisuba ahaa oo kaliya beeso seed ku heshaa!! taasoo farqaha uu ka buuxsaday wax aan laabtiisa qaboojinaynin waayo xaaran laguma qaboobo malaayiin dollar aadba haysatid ee.

Waxaan ogahay dawlada hada jirtaa inay tahay mid madaxdeeda sare ay dhab ka tahay difaaca diinta dadka iyo dalka.waxaan ogahay in ay u tafaxaydan yihiin har iyo habeenba sidii soomaaliya ay lugaheeda uugu istaagi lahayd.hayeeshee waan u cudur daarayaa oo ilduuf yar baa jira oo amaankay ku mashquul san yihiin iyo bad baadinta soomaaliya,sidaa daraadeed arinta hoosba uuma ay eegin oo kanshaba uma helin.Hadaba maadaama dalka aysan lahayn dadka hada madaxda inoo ah oo kaliya ee aynu wada leenahay waa in nin walbaa dhankiisa ka saxaa wixii khaldan haduu kari karo ileen waa waajib ina wada saraan ee.

Sidaa daraadeed cidna kusii canaan mayno arintan kuligeen ayaa wada il duufnay.Laakiin waxaan arkaa in hada la saxo sidan waa ceeb in aan calankeenii midabkiisii garan wayno oo buluuga iyo xidig cad uun ka raacno waa khalad mana aha calankeenu buluug khafiif ah iyo buluug caadi ah ama takhti ah midna. calankeenu waa midabka cirka cirkuna maha buluug. Hadaba calankeenu midabkiisu waa CIR.waayo kalmada cirka midkana waa ugu yeeri karaa cir halkaan ka oran lahayn buluug. dadka dibadaha joogaa haka xishoodeen midabka aan calankeenii soomaaliya ahayn ee ay isticmaalaan xiliyada xaflahada iyo banaan baxa. jiilasha yar yarna yaynaan jaha wareerin.

GUNAANADKII IYO GABA BADII

Waxaa soomaaliyeey walaalayaal inagu yar is dajinta iyo wax u fiirsa shada,hubin la aanta arimaha noocay doon ha ahaadeene.waxaa inagu badan markay danta guud tahay danayn la aanta iyo maxaa iga galay taas oo ah ducfi iyo nacas nimo.war bal aan wax ufiirsano.3 daa calan ee aan kor ku sawiray keebaa calanka soomaaliyeed ah? waxaa cad in calanka soomaaliya yahay mid ka mid ah labada kalana aysan ahayn calan soomaaliyeed gabi ahaanba.Waxaa suuro gal ah in cadaw soomaaliyeed oo adeegsanaya dadkeena qayb ka mid ah oo ah shisheeye kalkaal inay waxaan inoo hoos galiyeen xalada jaha wareer iyagoo ka faa iiday sanaya. Dhanka kale waxaa dhici karta in hadaynu nahay soomaali aynu ilduufnay oo hoosba aynaan u eegin nooca calankeenii iyo in wax isbadaleen inagoo ay inoogu wacantahay arintaas dayaca aan dayacayno dalkeena ee aynaan ilaashaynayn oo xaalkeenii noqday beeso iyo maxaa igagalay uun.waxaana u badinayaa tan danbe oo ah inagaa dayacnay calankeena iyo dalkeenaba waa siday fikirkaygaa yarka ah wax iila muuqdaan oo aan aamin sanahay, mana in kirayo waa dhici kartaa in shisheeye cadaw ahi ka danbeeyo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE