Dibadbaxyo Waaweyn Oo Ka Bilowdey Qaar Ka Mid Ah Magaalooyinka Somaliland, Iyo Ciidamo Badan Oo Lagu Soo Daadiyey Wadooyinka

Magaalada Hargeysa ayaa waxa goor dhow oo fiidnimaii caawa ah waxa ka biloday mudaharaad ay dhigayaan bulshada magaalada Hargeysa oo lagaga soo horjeedo musuq maasuq la sheegay inuu ka dhacay doorashada madaxtooyada Somaliland, taas oo ay saraakiisha xisbiga u qaabilsan komishanku ay ka dhawaajiyeen in waraaqo Foojari ah lagu codeeyey maalinkii doorashada.

Shacabkan mudaharaadaya ayaa taayiro ku gubay suuqa Hargeysa iyo xaafaddaha qaar,waxaana shacabkan ay si adag uga soo horjeedaan aamusnaanta ay guddiga komishanka Qaranku kaga jawaabeen cabashooyin ay hogaanka xisbiga WADDANI u gudbiyeen oo ku saabsan madmadow ay ka jira goobo ku yaalo qaar ka mid Gobolada laga codeeyey.

Ciidamada Booliska ayaa lagu soo daayay gudaha Magaalada Hargeysa,waxaana gudaha Mgaalada laga maqalayaa rasaas ay ridayaan ciiidamadu, Ilaa hadda lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay mudaharaadkaasi.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE