Horjoogayaal Maanta Salaadii Duhur Ka Dib Ka Istaagey Magaalada Marka Oo Ku Baaqey In Laga Hortago Dagaalka Ku Socda Iyo Rasaas Culus Oo Caawa…..

Qaar ka mid ah masaajidda waaweyn ee ku yaala magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose ayaa saaladii duhur ee maanta waxa ka hadlay oo dad weynaha hor istaagey horjoogayaal ka tirsan maleeshiyada Kooxda Alshabaab.

Ilaa Laba Masaajid oo ah kuwa ugu dadka badan xilliyada Salaadaha ayaa horjoogayaal waxay kaga hadleen duulaanada cusub ee la qorsheenayo in Alshabaab looga fara maroojiyo deegaanada ay xoogga kaga suganyihiin ee ku yaala Shabeelada hoose.

Hadalada horjoogayaasha ayaa u muuqdey kuwo diyaasan, waxana isku u jeedo ay ka ahaayeen inay ka hor hadlaan Shacabka masaajidda ku tukadey, ayna kala hadlaan waxyaaba markaas u diyaarsanaa.

Marka hore waxa ay ku baaqeen in aan la maqlin ama aan run la moodin hadalada hanjabaada ah ee kasoo yeeraya Madaxda dowladda Fedaraalaka ee ku aadaan duulaanka lagu qaadayo deegaanada u Shabaab dadka ku dhibaateeyaan.

Waxa kaloo ay ka hadleen Ciidamada deegaanka ee ku sugan qeybo ka mid ah magaalada, oo ay u arkaan kuwo aan diin iyo islaamnimo shaqa ku laheyn, waxaana ay ku sheegeen kuwo kasoo horjeeda Islaamka “waa sidey u yaqaanaane”.

Shacabka  la nool deegaanada ay joogaan Ciidamada ayaa waxay ku tilmaameen xukun ahaan kuwo aan waxba dhaamin sidey hadalka u dhigeen maadaama ay ku qanacsanyihiin la noolaashiyaha Ciidamada.

Caawa fiidkii ayaa qeybo ka mid ah Saraha ay saaranyihiin Maleeshiyada Habar gidir ee la shaqeeya Kooxda Alshabaab ayaa waxa laga soo ridayaa rasaas u badan qoriga daran dooriga u dhaca ee PKM.

Ciidamada amaanka ee difaaca ugu jira Maleeshiyadaas ayaa dhankood ku jawaabay rasaas culus, waxana in mud ah socdey dagaal labada dhinac dhex marey.

Hada Saacadda oo ay ku began tahay Afar Saac iyo bar (10:30) waxa is taagtey rasaasta, iyadoo dhegta loo taagayo waxa xigi doona rasaasta kooban ee caawa dhacdey.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE