Magacaabista Golaha Wasiirada Maamul Goboleedka Hirshabelle Oo Uu Ka Taaganyahay Muran Xoog Leh

Wararka laga helaayo magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle ayaa soo sheegayo in uu khilaaf ka dhax taagan Xubnaha ugu sareeyo Maamulka Hirshabeelle kaas oo salka ku haayo Magacaabista Golaha Wasiirada.

Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare uu diyaariyay Liis wasiiro oo u badan dhalinyaro ka yimid Wadamada Dariska ah si gaar ah waxay u badan yihiin dad ka shaqeeya NGO’s halka Madaxda kale ay diidan yihiin arintaas.

Xildhibaanada, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Madaxweyne ku xigeynka iyo Mas’uuliyiin kale ayaa ku talinaya in Wasiirada ay ka dhaxmuuqdaan Xildhibaano & siyaasiin kale.

Lama oga halka uu ka dambeyn doono khilaafka k/a taagan Magacaabista Golaha Wasiirada ee Hirshabeelle, ma jirta wax war ah oo ka soo baxay Madaxda Hirshabeelle gaar ahaan madaxweyne Waare oo arintaan ku saabsan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE