Ra’salwasaare Xasan Cali Khayre Oo Ugu Baaqey Maamulka Shariif Xasan In Si Deg Deg Ah Uu Usoo Dego Magaalada Baraawe

Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magaalada Braaawe ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya kula taliyay in uu dego Magaalada Baraawe .

Ra’iisulwasaare kheyre ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi, ina ay soo degaan Degmada Baraawe ee Gobalka Shabeelaha Hoose, oo ah caasimada Rasmiga ah ee koonfur galbeed.

Baraawe waa caasimadda rasmiga ah ee Maamulka Koofur Galbeed sida ku qoran dastuurka Maamulkaas,hayeeshee maamulka waxa uu si kumeel gaar ah ugu shaqeeyaa Baydhaba,iyada oo maamulkaba lagu dhisay Baydhaba xilligaasna ay Baraawe heysteen Al-shabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE