Shirka Golaha Wasiirada Oo Maanta Lagu Soo Bandhigay Magacyada Dhagarqabayaal Ka Tirsan Alshabaab Oo Lasoo Qabtey (Video)

Shirkii caadiga ahee ee Golaha Wasiirada ee Xukuumada Soomaaliya maanta yeesheen oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ) ayaa looga hadlay arrimaha amniga, Shirweynaha Culumada iyo mashaariic la fulinayo.

Ugu horreyn, Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Abukar Islow (Ducaale) ayaa golaha wasiirada siiyey warbixin la xiriirta amniga, isagoo sheegay in ay hay’adaha amniga wadaan howlgalo qorsheysan oo kuwii ugu danbeeyey ee laga fuliyey degmada Afgooye lagu soo qabqabtay 29 oo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo ay ka mid ahaayeen,

1. Aweys Khadar Ahmed, oo ahaa Amiirka u qaabilsaanaa howlgalada Afgooye
2. Abdullahi Mohamud Mukhtaar (Ileey), farsamoyaqaanada qaraxyada,
3. Salah Abdulkadir Abdulle, Madaxa lacagaha Sakawaatka
4. Mohamed Aweys Ali, oo ka tirsanaa amniyaatka
5. Mohamed Hussein Salad (Yemeni), oo ka tirsanaa amniyaatka
6. Mohamed Ali Hassan – Amniyaatka
7. Bakar Mohamed Yaqub – Miiniiste ahaan tashkiiliyaha dhalinyarada
8. Sakariya Salad Mohamed – Amniyaatka
9. Aweys Kamal Muhiadin – Amniyaatka

Sidoo kale waxaa la soo qabtay gacan ku dhiigle Cabdiweli Cabdi Daauud oo ka tirsanaa Booliiska Laanta Canshuuraha oo horey u baxsaday ka dib dil uu u geystey marxuum Guled Abdulkadir Muse.

Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystey Faduma Osman Farah, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka ee ku aadan horumarka maamulka iyo maareynta maaliyada. Faduma ayaa sheegtay in xafiiskeeda uu diyaariyey nidaamkii loo baahnaa oo ay si dhow ula shaqeeyaan Wasaarada Maaliyada, Bankiga Dhexe, Bankiga Aduunka iyo Hay’ada Lacagta Adduunka (IMF).

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE