Xisbiga Wadani Oo War Kasoo Saarey Doorashada Ka Dhacdey Somaliland, Sheegeyna In Uu Jiro Musuq Maasuq (Video)

Xisbiga Waddani ee ka dhisan Somaliland ayaa ku dhawaaqey in ay joojiyeen dhamaan wixii wada shaqeyn ah ee ay la wadaageen Guoddiga Doorashada Somaliland.

Guddoomiyaha Guddiga Dhexe ee Xisbiga Waddani Cismaan Afgaab oo saxaafadda kula hadley Hargeysa ayaa sheegay in doorashada ay ka dhacdey Musuqmaasuq aad u baahsan iyo kushabasho gaar ahaan gobolada Gebiley iyo Hargeysa oo maanta la soo gebagebeynaayo natiijadooda.

Cismaan Afgaab ayaa sheegay in ay talada ku celinayaan madaxda Xisbiga laakiin ay hakiyeen dhamaan wixii wada shaqeyn ah ee ay la wadaageen Guddiga Doorashada, waxaana uu ugu baaqey dhamaan wakiilada Xisbiga ee goboladu in ay joojiyaan shaqada ay hayaan.

Afhayeenka Guddiga doorashada Somaliland Siciid Cali Muuse oo maanta la weydiiyey in ay dhacdey wax musuq ah ayaa sheegay in ay caddeyn karaan in aan wax musuq-maasuq ah dhicin.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE