C/raxmaan Cabdishakuur Siyaasi Siyaasadadiisa Dhicis Noqotay,Abaarta Ka Haysta Inuu Xil Qabto Iyo Sababta

In kastoo Isbaheysigii Asmara ka soo dhex muuqday sababtaasina Wasiir kaga helay Xukuumaddii Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid hadana tan iyo 2010 kii kama uusan soo dhex muuqan dhamaan golayaashii Siyaasadeed ee dalka ka jiray kuwa federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada sababta waxay ahayd shaarkiisa oo aad u wasa qeysanaa kuna wareegsanayaan fadeexadihii ka dhashay kiiska badda oo taariikhda fog iyo mida dhow midna aan la ilaabi doonin ka hadalka arrinta badda.

2012 Markii ay soomaaliya ka baxday waxaa uu ku guuldareystay inuu ka mid noqdo Xukuumaddii markaas jirtay sababtana waxay ahayd awooda uu ku dhex lahaa beeshiisa ayaa aad u yareyd, meel gees ah ayaa laga isaga riixay.
Markii uu ku fashilmay arrimaha siyaasaddana waxaa uu u wareegay la shaqeynta Wakiilkii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

2017 doorashadii dhacday ceeb mooye wax kale kama keenin sidaas darteed maamul kasta oo dalka soo mara marna kuma dhiiran karaan inay golahooda ku soo daraan C/raxmaan Cabdishakuur maadama shaarka wasaqeysan yahay.

Ugu dambeyntii hada waxaa uu ka mid yahay xubnaha u shaqeeya imaaraadka carabta ee faqaarayaasha la taagan difaaca danaha imaaraadka carabta, halkii uu xil isaga saari lahaa inuu dalkiisa difaaco waxaa uu ka door biday difaacaha danta Imaaraadka.

Subbax kastana waxaa uu taagan yahay xarunta Xalane waxbuu kala dalaalayaa, sidoo kalena ceebaha madaxda dowladda ayuu wareejiya xafiisyadaas isaga iyo koox fashilantay oo taageerada reerkooda iyo mida soomaalida waayay .

 Xigasho Isha Jubalandtv
Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE