Taliyaha Qeybta 12-ka Abriil Ee Ciidamada Xooga Iyo Saraakiil Kale Oo Maanta Gaarey Degmada Nambar 50 Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Taliska Ciidamada xoogga dalka ay ku leeyihiin degmada Nambar 50 ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa maanta waxaa gaarey Saraakiil Ciidan oo uu hogaaminaayo Taliyaha Qeybta 12-ka Abriil ee Ciidamada Xoogga.

Saraakiishan ayaa sida la sheegey u kuur galaayey xaaladda deegaanka iyo dagaalo kusoo laa laabtey Nambar 50 iyo nawaaxigeeda, waxaana halkaas ay kula kulmeen Maamulka Degmada, hogaanka Ciidanka iyo Odayaal kale.

Taliyaha Ciidamada 12-ka Abriil Ninka lagu magacaabo Cumar Dheere ayaa Saraakiisha iyo hogaanka Ciidamada kala hadlay sidii loo qorsheen lahaa dagaalka ka dhanka ah Alshabaab oo ku sugan deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Shabeelada hoose.

Saraakiisha Nambar 50 gaarey ayaa waxaa ka mid ahaa Cabdi Cali Jamaame oo lagu xasuusto sanaddi 2007-dii markii Taliye looga soo dhigay Guutada 16 ee Ciidamada xoogga xilligaas oo dalka ay ka jirety dowladii Cabdulaahi Yuusuf Axmed.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE