Taliyaha Ururka Socdaal Ee Ciidamada Deegaanka Oo Maanta Soo Gaarey Deg Nambar 50

Ciidamada Ururka Socdaal ee Guuta shanaad ayaa maanta waxa loo magacaabay Taliye Cusub oo bedeli doona taliyahii hoye.

Col Maxamed Xasan Faarax oo ka mid ahaa saraakiishii Ciidamada deegaanka ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Ururka Socdaal oo ka kooban 150 Askari.

Ciidamadan oo horey uu taliye uu u ahaa Khaliif Farey ayaa muddo sanad ka badan shaqeenaayey taliye la’aan.

Taliyaha Cusub ee Ciidamada Col Maxamed Xasan Faarax ayaa maanta la wareegey shaqada Ciidamada, ka dib safar uu ku yimid  degmada Nanar 50.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE