Xafladda Sanad Guurada 3-aad Ee Kasoo Wareegtey Markii La Doortye Shariif Xasan Oo Caawa Ka Socota Magaalada Baydhabo

Bishii Novembar 17-keedii sanadii 2014-kii magaalada Baydhabo waxa ka dhacdey doorasho uu kusoo baxey Shariif Xasan Sheekh Aadan oo xilligaas dagaal siyaasadeed kula jirey Maamul kale oo ka koobnaa lex Gobol.

Doorshada Shariif waxay kusoo beegantay xilli xaalad adag ay ka jirtey deegaano ka tirsan Koonfur galbeed Soomaaliya, iyadoo la filaayey in isbedel dhab ah uu la imaan doono hogaanka cusub ee la doortey.

Shariif Xasan ayaa maanta u dabaal degaaya seddax sano ka dib markii lagu doortey magaalada Baydhabo, 17-kii Novembar sanadii 2014-kii, waxaana socda xaflado iyo dabaal degyo.

Maanta ilaa caawa ayaa xafladda sanad guurada Mamaulka Shariif laga tumayaa Baydhabo, waxaana lagu wadey in munaasabadda ay ka qeyb qaataan madax kala duwan iyo siyaasiyiin hase ahaatee xildhibaano kooban ayaa halkaas gaarey si xafladda uga qeyb qaataan.

Iyadoo maanta maamulka Shariif uu seddax sano jiradey ayaa waxa taagan dhaliilo iyo cabashooyin kala duwan oo loo  jeedinaayo Shariif oo wax badan ku fashilmay inuu wax ka bedelo xaaladda deegaanada maamulkiisa hoos yimaada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE