Wasiiradda Gargaarka Iyo Maareynta Musiibooyinka Maamulka Koonfur galbeed Oo Wasaaraddeeda Kusoo Dhaweysey Madaxweynayaasha K.galbeed Iyo Hirshabelle (Sawiro)

Wasiirada Wasaarada Gargaarka Iyo Maareeynta Musiibioyinka Koonfur Galbeed Marwo Binti Ibraahim Caliayaa ayaa waxay Wasaaraddeedeeda kusoo dhaweeysay Madaxweeynayaasha Koonfur galbeed iyo Hiirshabelle.

Labadan Madaxweyne oo kor meer kutagay Xarunta Cusub ee Wasaarada oo kamida dhismo yaal cusub oo laga hirgaliyay Baydhabo ayaa dhismayaashan waxa lagu soo beegay Sadex sano guuradii kasoo wareegatey markii la doortey Madaxweynaha Koonfur Galbe.

Waxaa sidoo kale Dhismaha cusub ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka booqdey Wasiiru Dowlaha Xafiiska Raysal Wasaaraha Cabdulaahi Xaamud Iyo Xildhibaano ay kamid yihiin Profisor Cabdulaahi sheekh Ismaacil, Xildhibaan Profisor Dalxa iyo Wasiiro katirsan maamulada kala ah Galmudug, Jubalan iyo Hirshabelle.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Maamul Goboleedka Koonfu raglbeeed Soomaaliya ayaa waxay door muhiim ka qaadaneysaa Abaarta iyo dhibaatooyinka kale ee haaysta qaar ka mid ah bulshada kasoo jeeda deegaanada Koonfur galbeed.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE