Waxaa La Joogaa Xiligii La Laali Lahaa 4.5 Kii Ay Soomaali U Keeneen Reer Mogdisho W/Q Yuusuf Omar

Gudoomiyihii shirkii sodare Mudane cali mahdi waa markii uu soo dhamaaday shirkii dalka ethiopia ka dhacay 1996 ee mogdisho lagu soo laabtay.Allaah ha u naxariistee Mudane cabdullahi yusufna waxa uu  u laabtay Boosaaso.

Waxaa shirkii ka dhacay Ethiopia ee soodare laysugu keenay siyaasiyiin soomaaliyeed oo ah koonfurta soomaaliya.shirkaa kuma jirin gobolada waqooyi galbeed ama somaliland oo dhanba.hayeeshee waxaa la doonay in bal soomaaliya loo dhiso dawlad oo la isugu keeno meel dagaal oo gayaashii koonfureed ama siyaa siyiintiiba dhehoo.magaalo yaroo kamida gobolka shawa oo layiraa sodare oo dagan ayaa laysugu geeyay.waxaa shirkaa soomaalida ku weheliyay dawlada marti galisay ee ethiopia kaliya.jawigu wuxuu ahaa mid soomaalidu ka nasatay fara galintii xadka dhaaftay ee beesha caalamka.Waxay isu heleen firaaqo soomaalidu,sifiican bayna uwada hadleen oo dagan. waxay isla qaateen inay heshiiyaan oo dalka u dhisaan dawlad isla markaana qabtaan shir weyne qaran oo lagu dhisayo dawlad soomaaliyeed waa isku raaceen.waxay isla meel dhigi waayeen  waayeen hal qodob oo ahaa aynu wax ku dhisano qaab qabiil iyo qaab deegaan.intii kale waa ka heshiiyeen oo xataa shirka in boosaaso marti galiso ayaa laysku raacay oo uu halkaa ka dhaco.shirka waxaa loo doortay gudoomiye mudane cali mahdi oo daadihinaayay.

1.Beel aan wax ku qaybsano ama ku dhisano

2.Deegaan aan wax ku qaybsano ama ku dhisano

Beel aan wax ku qaybsano waxaa qabay oo soo jeediyay beesha Hawiye/hiraab iyagoo u qaybiyay 4.5 oo ay ku micneeyeen beelaha waa wayn ama laan dheeraha ah halasiiyo tiro siman oo isku mid ah beelaha yar ee laan gaabka ah halaysku daro oo hala siiyo badh!hadaba halkan arin baan rabaa in aan raacsado shaqsiyan anigu oo ah xog dhab ah oo aan helay.waxaan la kulmay akhyaartii shirkaan sodare ku go aamisay fikirka ah in 4.5 wax lagu qaybsado oo keentay taladaan.waxaan waydiiyay war maxaad sidan u yeesheen akhyaareey? waxaan ogaaday iinasheegeen in ay u jeedeen in qofkastaa helo cadaalad iyo sinaan oo qabiilooyinka soomaaliyeed sidaa wax ku wada helayaan.waxay ka cararayeen in hadii dhul wax lagu qabsado laga dhul wayn yahay oo markaa Mudane cabdullahi yusuf iyo ragiisa guusha helayaan iyo sad bursi.markaa dan umaysan arkayn iyo xaq toona laakiin hadii qabiil layiraahdo waxay lamid noqonayaan beesha mudane cabdullahi sidaas ayay u arkeen cadaalad.iyagu sidan way ii sheegeen ana waa ka arkay u jeedkooda ma ahayn soomaali dulma cadaalad doon bay ahaayeen,ninkii meel kale u fasirayaa isagay utaal laakiin anigu sidan ayaan ka arkay ka fahmay iyaguna ii qirteen waana aaminay in sidan talo ka noqotay.

Deegaan aan wax ku qaybsano waxaa watay oo diiday 4.5 dadkii ka socday puntland ee cabdullahi watay.waa laysku jilbo murxay waxba laysulama harin qoladani waxay ku doodeen dawlad dagaan baa lagu dhisaaye sidee qabiil loogu dhisaa? war hayna waalina ee inaga daaya waxan aad leedihiin 4.5 waxaa dhaanta idinkoo yiraahda hanaloo sad bursiiyo intaad qabiil uun ku dhagantihiin aan meel ina gaarsiinaynin. waa diideen kadibna waxaa laga adkaaday qoladii cabdullahi yusuf.

Shirkii xigay ee loo balan sanaa in lagu qabto shirwayne qaran oo soomaali dawlad ku dhisato boosaasana lagu qabto waa laga baxay oo la diiday oo qoladii mogdisho ayaa balankii kabaxay.halkaas ayaa boosaaso marti galyadii ay u diyaar garoowday ku baaqatay,waxay mogdisho tiri waxaan jecelahay in laysugu yimaado jabuuti intii shir lagu qaban lahaa boosaaso.xiligaana dadka soomaaliyeed oo colaado iyo dhibku ka batay iyo caadifada qabiilku ayaa garan waayay in magaalo dalkooda ah ay ku shiraan. waqtigaa adkaa dadkuna xaalad xunbuu ku jiray iyo shaki.sanadkii 2000 ayaa shirkii boosaaso lagu qaban lahaa laysugu tagay carta dalka jabuuti halkaas oo sifiican loogu hirgaliyay4.5 in wax lagu qaybsado isla markaana lagu doortay ragii waday fikirkaas waxaana la doortay dr cabdi qaasim oo madaxwayne loo doortay.wixii xiligaa ka danbeeyay ilaa maanta waxaan haysanaa 4.5 in wax lagu dhisto.

GUNAANAD IYO GABA GABADII

Waxaad soomaaliyeey ogaataan waxan waxaa keenay aqoon dari iyo fikir xumo.dhib laguma xaliyo in aad dhibkale sii gaysato.waa run walaalaheen xal iyo caadalad bay u arkeen iyo inay iyagu ku faa iidayaan,laakiin kama aysan fakarin qaran baynu nahay dalka soomaaliyana soomaali waa u siman tahay oo wada leenahay,siyaasada dhib malaha waa loo tartamaa nin kii rabi u qadaro ayaana hela oo dadkiisu rabaan,laakiin dadkii soomaaliyeed qaara nus ah qaarna waa dhan yahay aqliga ma gasho waana dhawac wayn oo aan hore soomaali u qabin ama u lahayn.waa wax ka fog cadaalad iyo caqli basharka koonkaan saaran u cuntanta.mida kale qabiil wax ku qaybsi dawladeed oo wax lagu dhisto oo ah hab iyo nidaam la raaco kuma jirto taariikhda caalamku dawlad ku soo dhistay. waajiraan shuuciyad,waa jiraan boqortooyo,waa jiraan dimiqraadiyad.waa jiraan diin in laysku xukumo oo wax lagu dhisto.waxaad halkaa ka fahmaysaa maba aha hab ama nidaam jira oo tixraacleh oo dawlad lagu dhistay oo ah qabiil iyo 4.5.

Hadaba maha wax kasoo horjeeda dawlad nimo iyo nidaam in aan dusha iska saaro soomaaliyeey.maha qarnigaan maanta la joogo oo aduunyadu hore u martay in waxaan qurunka ah ee layna yiri diiniyan kataga in aan la soo shirtagno waa ceeb iyo calaf xumo wayn.waana ka xumahay in dadkii ilbaxa ahaa ee BANAADIRIGA iyo kuwa lamidka ah intaba meel looga dhacay.marna ma aan aqbalaayo warkaa foosha xun umana quuraayo intaa noolahay in aan dadkayga ku iraahdo nus aa tihiin iyo quursi.Sababtoo ah aqligaygaa diidaayo iyo damiirkayga iyo diintayda.dadkaa layasaayo waaba indhihii soomaaliya maxaa yasee? nin kaa aqoon badan kaa ilbaxsan kaa soomaalisan kaa wadanisan ha isku dayin in aad u gafto.dadkii fikirkaan u keenay soomaali markii hore lama yaabin oo waa u cudurdaaray oo waxaan is iri caqligii iyo ilbaxnimadii aa saan noqotay oo wanaag raadis iyo cadaalad raadis ayay ahaayeen tan waa aqbalay. inkastoo ay ku sifoobeen maah maahdii ahayd”SHINBIRI MAALIN BAY DAB QAADOO MAALINTIINA BUULKEEDII AYAY GUBTAY!”

Laakiin markan ay ku soo indho cad yihiin waxaan 4.5 aheen marabno tan dulmi weeyn waaye oo aan la aqbali karin qiilna loo helayn,sidaa daraadeed soomaliyeey,kuligeen waa khaldanahay wixii dhacayna waa dhaceen hada waxaan leenahay baarlamaan iyo aqal sare gole wasiiro iyo maaxwayne dawlad baynu nahay aanba iska tabar yaraano waxbaa inoo dhisan maanta.Kol haday sidan tahay aan dagdag u hirgalino in laga xaaran timeeyo dalka soomaaliyeed waxa layiraahdo 4.5 waxaana ula jeedaa waa in dhagaha soomaaliyeed dal iyo dibadba maqlaan in dalkeena laga tiray cudurkii shaydaan ee ahaa qabiil 4.5  waxay tani inoo sahlaysaa isu soo dhawaansho soomaaliyeed is cafin iyo naxariis xag rabi inooga timaada soomaaliyeey. maxaa yeelay dulmi ma dugsan karo aan iska qaadi karo. waxaan u sheegaa walaalahay soomaaliyeed ee lagu sheegay waxaa tihiin nus qaarna waa buuxaan ama layiri qaar waa afar qaarna waa bar inay tahay sheeko quraafaad ah oo aan soconaynin oo ka timid walaalkaa oo shaydaan u wax yooday kadibna rartay.waxaase hada aan rabnaa kuligeen inagoo gacmaha is haysana in shaydaankaa cida soogalay iska buufino oo aan dhahno shuushoow bax foor bointi faaf bax baladka hana halaynin ee bax………. bax…bax waxaan hada sugnaana waa warka soo yeera baarlamaanka soomaaliya si quliibta shacabka soomaaliyeed u dagto.xalku waa codka baarlamaanka oo aan maqalo iyo khudbada madaxwayne farmaajo iyo khayre ay ku saarayaan shaydaanka waayadan nahaystay ee layiraahdo 4.5

Waxaan aamin sanahay ilana tahay in ay wax wayn aad miisaan u leh ay ina tarayso soomaaliyeey hadaan iska quraan saaro shaydaankaan dadkeenii iyo dalkeenii galay ee layiraahdo 4.5 waxaana suuro gal ah in illaahay markaa ina siiyo naxariistiisa oo isu soo dumo qalbiyadeena kadibna aan u dhaqaaqno difaaca diinta iyo dadka iyo dalka oo aan xoogeena iyo aqoonteena galino dalkeena oo bahida ka baxno dhisano dalkeena iyo sharafteena soomaalinimo.waxaan aamin sanahay in illaahay inoo furayo faraj dag dag ah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE