Xildhibaan Zakariye Xaaji Oo Dalbadey La Qoro Warqad Lagu Dalbanaayo In Dib Loosoo Celiyo C.kariin Qalbai Dhagax (Video)

Fadhiga baarlamaanka fedaraalka ee maanta waxa hor tagey Gudigii loo xil saarey inay soo baaraan kiiska lagu dhiibey C.kariin Qalbi Dhagax oo loo gacan geliyey dowladda Itoobiya.

Kiiskan uu muddo uu ka taagnaa muran xooga badan ayaa ugu dambeyn Gudigii loo xil saarey baarista Kiiska waxay maanta baarlamaanka hor  sheegeen in lagu qaldamey in C.kariin Qalbi dhagax la dhiibo.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka fedaraalka ayaa siyaabooyin kala duwan uga hadlay arinta ku saabsan dhiibista Qalbi dhagax, waxaana qaarkood ay soo jeediyeen in dowladda itoobiya loo qoro warqad looga dalbanaayo inay soo celiyaan muwaadinkaasi Soomaaliyeed.

Xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamed ayaa ka dalbadey Gudoonka in la qoro warqad ama xukuumadda ay gudbiso warqadda lagu dalbanaayo sidii dalka dib loogu soo celin lahaa C.kariin qalbi dgax.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE