Dhageyso Khilaaf Xogan Weli Ka Taagan Magacaabidda Golaha Wasiirada Ee Maamulka Hirshabelle

Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelada dhexe waxa ka taagan khilaaf la xiriiramagacaabidda Golaha Wasiirada ee Maamulka Hirshabelle.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Hirshabelle uu diyaariyey liis ay ku qoranyihiin dhalin yaro u badan qurba joog, kuwaas oo loogu talagalay in ay noqdaan Wasiirada cusub ee Maamulka Hirshabelle.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Guud laawe ayaa liiskaas ka hor yimid, waxaana taasi ay keentey in dib loo dhigo magacaabidda Golaha Wasiirada oo la filaayey in ay dhacdo maalmihii lasoo dhaafey.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE