Gudiga Doorashooyinka Somaliland Iyo Seddaxda Xisbi Oo Wada Hadal Ka Leh Ku Dhawaaqista Natiijada

Maalinnimadii Isniinta ee bisha ay ku beegneyd 13-ka deegaamada Somaliland waxa ka dhacay doorasho ay ku tartamaayeen ilaa seddax musharax oo kala matalaayey Xisbiyada ka jira Somaliland.

Doorshan oo lagu tilmaamey mid wax badan ka bedelneyd oo Shacabka ay ay ku dooranaayeen Madaxweynaha Bedeli doona Axmed Siilaanyo oo muddo sanooyin ah soo maamulaayey Somaliland.

Gudiga doorashada oo maalmo ka hor lagu eedeeyey in uu sameeyey wax iska daba marin iyo musuq maasuqa ayaa meel isaga riixey eedeymaha loosoo jeediyey, waxaana markii dambe kulamo uu la qaatey Madaxda Xisbiga Wadani oo soo bandhigey qaladaad ay sheegeen in laga galay.

Weli Waxaa taagan sida wqararku sheegayaan khilaaf ka dhex taagan tirinta codadkii la dhiibey, waxaana socdo kulamo ay leeyihiin seddaxda Xisbi qaran iyo Gudiga doorashooyinka.

Dhinaca kale waxa lasoo warinayaa in ay soo dhamaatey tirinta codadkii la dhiibtey hase ahaatee Gudiga uu ku deg degi la’yahay shaacinta natiijada, iyadoo laga baqaayo in dhacaan khalalaase siyaasadeed iyo falal amni dara ah.

Mudoo todbaad ah ayaa gudiga doorashada Somaliland uu gacanta ku haayaa codadka la dhiibtey, waxaana la filaayey in mar hore la shaaciyo natiijada cidda ku guuleysatey doorashada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE