Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Ee Soomaaliya Oo Maanta Gaarey Magaalada Abu Dubai Ee Dalka Imaaraadka (Sawiro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta gaarey magaalada Abu Dubai ee dalka isu tagga imaaraadka carabta.

Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ayaa magaalada Abu Dabai waxa kusoo dhaweeyey Madaxda talada haaysa ee Imaaradka, waxaana la dejiyey hotel u gaara ah Madaxda oo horey loosi idiyaariyey.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in kualmo uu la qaadan doono Madaxda dalka Isu tagga imaaraadka Carabta, iyado ay ka wada hadli doonaan arimaha la xiriira xiriirka labada dal iyo arimo kale.

Tan iyo markii ay soo if baxeen khilaafaadka ka dhex jira dowladaha khaliijka qaarkood ayaa khilaafkaasi wuxuu saameeyey Wadmo xiriir la lahaa wadamada khilaafka uu ka dhex jiro.

Dalka Soomaaliya ayaa waxa ka taagan siyaasad jahawareer ah iyo amni xumo labadii bilood ee lasoo dhaafey, waxaana laga yaabaa in madaxda labada dal ay ka wada ahdlaan arimaha taagan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE