Madaxweynaha Soomaaliya Oo Safar Ku Tagaaya Dalka Imaaraadka, Iyadoo Safarkaan Uu Noqon Doono Mid Caqabad Ku Noqda…

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta lagu wadaa in uu gaaro dalka isu tagga imaaraadka Carabta, iyadoo halkaas uu kula soo kulmi doono Madaxda dalkaasi.

Maanta oo axad ah ayaa Madaxweynaha uu booqanayaa Magaalada Dubai, waxaana safarkiisa la filayaa in uu xooga ku saaro mowjadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka jira gudaha Soomaaliya.

Booqashada Madaxweynaha ayaa waxa la sheegayaa in markii labaad uu booqan doono Imaaraadka, safarkii kan ka horeeyey ee bishii abriil uu Madaxweynaha booqasho ah ku tagay.

Tan iyo wixii ka dambeeyey ay soo if baxeen khilaafaadka dowladaha Khaliijka ee dowladda Soomaaliya dhex dhexaad ka noqotey xiisadahaasi ayaa waxay keentey in xulafada imaaraadka ay heshiis la galaan maamul Goboleedyada dalka ka jira.

Madaxweyne Farmaajo ayaa olole xooggan ugu jira in isfaham buuxa uu la gaaro qoysaska kala maamula Abu Dhabi iyo Dubai, si uu u xakameeyo galaangalka siyaasadeed ee ruxay dowladdiisa labadii bilood ee ugu dambeeyay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE