Maleeshiyaad Alshababa Ah Oo Caawa Buux Dhaafiyey Deegaanka Gandaawi Iyo Ciidamada AMISOM Oo Madaafiic Ku Garaacey

Boqolaal maleeshiyaad ah oo ka tirsan Kooxda Alshabaab ayaa fiidnimadii caawa soo galay deegaanka Gandaawi oo ka mid ah deegaanada ku yaala duleedka magaalada Marka.

Maleeshiyaadkan ayaa la aaminsanyahay in ay kasoo baxeen dhinaca Degmada Janaale, waxaana ay wataan hubka garbaha laga tuuro iyo qoryaha fudud, waxaana dadka deegaanka ay kusoo waramayaan in maleeshiyada ay isku fidiyeen xaafadaha deegaanka Gandaawi.

Cabsida dadka deegaanka oo duleedka Marka ku yaala ayaa aad u badan caawa mana la oga ujeedada halkaasi ay u gaareen Alshabaab iyo halka ay weerarka ku yihiin.

Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee saldhiga ku leh deegaanka Buufow bacaad oo helay aqbaarta Shabaabka caawa soo gaarey Gandaawi ayaa madaafiic ku garaacaey, mana la oga khasaaraha ay geysteen madaafiicdaasi.

Wixii warar ah ee kusoo kordhan halkan ayaan kusoo gudbin doonnaa insha allah

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE