Wasaaradda Gargaarka Iyo Maareynta Musiinbooyinka Koonfur galbeed Oo Magaalada Baydhabo Kusoo Dhaweysey Dhaqaatiir Iyo Isugu Jirta Soomaali Iyo Ajaaniib (Sawiro)

Wasiirada Wasaarada Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka Koonfur Galbeed Marwo Binti Ibraahim Cali ayaa Garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo kusoo dhaweeysay wafdi dhaqaatiir ah.

Dhaqaatiirtan ayaa isugu jira Soomaali iyo Ajaanib, waxaana hogaaminayo agaasimaha Xarunta Alnuur foundation ahna gudoomiyaha Jaamacada Banaadir Profisor Dr.Cabdirsaaq Axmed Dalmar.

Wasiirad Binti ayaa horay u balan qaaday in qaliin iyo daaweyn lacag la’aan ah ay fidin doonto in ka badan 500 qof, dad dan yar oo aan haaysan dhaqaale ay isaga bixiyaan fiiqidda idnaha.

Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa dadaal dheer ugu jirta dar dar galinta qorshaha wax qabad ee siyaasada wasaarada oo ku saleeysan u gargaarddaa iyo maareeynta musiibooyinka.

Wasiir Binti Ibraahim Cali ayaa dhaqaatiirta iyo Gudoonkooda ugu baaqday in gGobolada Shabeelaha Hoose iyo Bakool laga fuliyo mashruucaan Kanan ciga iyadoo sigaara u xustey in Gobolka Shabeelada hoose uusan in mudda ah helin gargaar indha fiiqidda ah.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE