Dhageyso Maxaa Hor Taagan In Madaxweyne Ku Xigeen Uu Yeesho Maamulka Koonfur galbeed, Shariif Xasan Ayaa Ka Jawaabaya

Maamulka Koonfur galbeed ayaa dhawaan seddax sano jirsadey, waxaana uu shaqeenayaa isagoo aan laheyn wax Madaxwene ku xigeen ah iyo hey’ado diyaarsan.

Shariif Xasan ayaa marar badan balan qaadey in uu magacaabi doono Madaxweyne ku xigeen uu yeesho Maamulka Koonfur galbeed, has ehaatee balan qaadkiisa wuxuu iska ahaa mid lagu qancinaayey beelo markaas xusul duub ugu jirey inay helaan xilka labaad ee Maamulka.

Barnaajimka Wicitaanka dhegeystaha oo uu marti ku ahaa Shariif Xasan ayaa waxa lagu weydiiyey su’aal aheyd, “maxaa hor taagan in Maamulka loo magacaabo Madaxweyne ku xigeen, mise Dastuurka ayaan qabin in Madaxweyne ku xigeen maamulka uu yeesho…?”.

Shariif Xasan ayaa sheegay in caqabad weyn ay hor taagantahay in la helo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka hase ahaatee dastuurka uu sheegaayo in Madaxweyne ku xigeena (laba madaxweyne) la sameeyo laakiin arimaha ka taagan Gobolka Shabeelada hoose ayuu sheegay in taasi ay sabab u tahay madaxweyne ku xigeen la’aantiisa la shaqeeyo.

Sidoo kale waxa uu soo hadal qaadey in Madaxweyne ku xigeen aan waxba uusan kala amqneyn Maamulka oo shaqada ay si caadi ah ku socoto.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE