Gudiga Doorashada Somaliland Oo Lagu Wado In Uu Ku Dhawaaqo Doorashadii La Qabtey 13-kii Bishan

Gudiga doorashada Somaliland ayaa lagu wadaa saacadaha dambe ee maanta inay ku dhawaaqaan natiijada doorashadii dhacdey 13-kii bishan.

Gudiga ayaa la sheegayaa in ay soo dhameystireen dhamaan tirinta codadka laga diibtey doorashada Madaxweynaha Somaliland, iyadoo la filaayey in maalmo ka hor shaaciyaan sida loogu kala guuleystey doorashada.

Xisbiga Wadani ayaa weli wuxuu qabaa tasbhooyin ku aadaan inay jiraan musuq iyo ku shubasho  lagu sameeyey qaar ka  mid ah codeyntii ka dhacdey Gobolada qaar, waxaana xisbiga uu dalbadey in laga saxo khaladaadka jira.

Habeenkii xalay ahaa mar kale Xisbiga Wadni wuxuu shaqada ka joojiyey xubnihii u joogey goobaha ay ka socotey tirinta codadka, iyadoo xisbigu sheegay in laga diidey in dib loogu laabto tirinta codadka lagha dhiibtey Gibiley.

Guddiga doorashada ayaa isku dayaya inuu xaliyo cabashooyinka xisbiga Waddani, ka hor inta aanu natiijada doorashada lagu dhawaaqin, waxaana maalin ka hor heshiis dhex maray Guddiga doorashada iyo Xisbiga Waddani oo qaba cabashada ugu badan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE