Gudoomiyaha Xisbiga WADANI Musharax Cabdiraxmaan Ciro Oo Diidey Natiijo Kasta Oo Kasoo Baxda Codadkii La Dhiibtey Doorashadii Dhacdey (Video)

Murashaxa Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo Sheegay innaanu ku qanci doonin Natiijo hor dhac oo komishanku ku dhawaaqo, kadib markii ay soo baxday In Muuse Biixi Madaxwayne loo magacaabi doono, Wuxuuna taageerayaashiisa wuxuu ugu baaqay innay is dejiyaan nabadana ilaaliyaan.

Murashaxa Xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Cirro oo iminka warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay innaan Somaliland doorasho Xor iyo Xalaal ahi ka dhicin, Islamarkaana wuxuu Qaadacay Doorashadii, waxaanu soo qaatay qodobo dhawr ah oo Murashax Cirro u cuskaday Qodobo ay kamid yihiin.

1-In Sanaaduuqdii dib loogu tiriyey laga helay codad dheeraad ah oo halkii sanduuq loogu talogalay shan boqol oo qof innay ka codeeyeen laga helay codad ka badan intii loogu talogalay

2- In Doorashada aannu jirin seerver “Server” kala saarayey qofka kaadhka sita inuu leeyahay iyo in kale taasi oo uu sheegey in xataa ay codeeyeen dad dhintay, Caruuro shan jir iyo toban jir ah iyo qodobo kale oo dhawr ah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE