Maxamed Xasan Xaad Oo Maanta Gartey Halka Leyska Haaysto “Dowladda Waxa Marin Habaabinaya Dad Dano Gaar Ah Leh Oo Raba Inay Ka Ganacsadaan Dhiigga Umadda Soomaaliyeed” (Video)

Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ahaa Odayaasha taageersan dowladda fedaraalka ee Soomaaliya ayaa weerar ku qaadey kooxo dowlad diid ah oo dano gaar ah ka leh in aan dib loo helin qaranimada Soomalaiya.

Xaad ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya laga gardaranyahay oo weerar ay ku haayaan kuwo ka ganacsada dhiiga umadda Soomaaliyeed oo xilal waayey, kuwaas oo uu ku sheegay inay ahaayeen kuwa qaraxyada dhiga.

Waxa kaloo uu tilmaamay in dowladda Soomaaaiya ay wax badan ka qabatey qaraxyada iyo falalka amni daro, waxaana uu daboolka ka qaadey in ay jiraan kuwo uu ka baarey qaraxyada oo ay waayeen meel dhigaan islamarkaana baraha bulshada la yimid dicaayado.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE